4.5 System

4.5 System | Kacaan System

Maxaan ka baran karnaa Kacankii iyo sida uu u maarayni jiray Awoodaha maanta ee habdhaqanka Qabiilka:

Somalia maanta waxeey ku dhaqantaa siyaasad ku salaysan wax qaybsi qabaail ama 4.5 system.

Xiliyadii Kacaanka ma ahayn dhaqan siyaasad in wax lagu qaybsado qabiil. Siyaasadahii wagaas waxeey u salaysanaayeen hab xulafo Laakin maanta waxaa u dhaxeeyo farqi wayn.

Burburkii ka dib, Somalia waxeey isu badashay beelo deegaameed. Taas oo ah in beel walbo ku loolanta dhulka dalka. Waxeey dhalisay in la isku raaco maamul qaabkaas ku dhisan. 4.5 ayaa noqday nidaam hirgalay oo leh qasaaro iyo faaido.

Barbardhig

Waagii kacaanka’ Awoodaha dalka waxaa gacanta ku hayey xulafo ciidan. Waxeey u sameeyeen nidaam ku dhisan hanti wadaag, kasoo aad ooga duwan kan maanta ee ah Heeb-Qaybsi. Dhinacyada dowlada, Golahii kacaanka wuxuu lahaa wasiiro, xildhibaano iyo shaqaale dowladeed kuwaas oo aan ku iman xulasho qabiil. Shaqooyinka wasiiradaha, waaxaa jiray hab maamuus markeey timaado u shaqaynta shacabka. Tusaale: waxaa jiray xukuumada shaqada oo ka koobnaa xubno wasiir iyo kuxigeen. Waxeey ku lahaayeen xafiis gobol walbo iyo degmo walbo. Markii qof shacab ah u baahnaado shaqo, xafiisyada xukuumadahaas ayaa u ahaa hiigsi iyo wado. Ayadoon qofka qabiil loo fiirinayn ayuu shaqo soo qoran jiray kadibna markeey u soo baxdo loo wici jiray.

Nidaamka cusub ee dalka waxuu keenay qaab ka duwan qaabkii hore. Waxaana asal u ah, heeb qaybsi siyaasad. Ma jiro qof shacab ah oo ka heli kara dowlada baahiyaha gaarka uu u leeyahay. Tusaale: dowlada 4.5 waxeey leedahay sidii tii hore xildhibaano, wasiiro iyo shaqaale dowladeed. Wasiir walbo ama xildhibaan walbo wuxuu ku imaada wado qabiil, taas oo inta badan lid ku ah baahiyaha shacabka lakin u ah daaqad ama albaab qabaail.

Sharciga iyo Shaqooyinka

Dowladii kacaanka waxeey go’aan u lahayd haynta sharciga, dajista sharciga iyo fulinta sharciga. Waxeey kaloo ahayd mid maamusha shaqooyinka iyo shaqo bixiyaasha dalka. Waxeey fursad u ahayd shaqsi walboo shicib ah. Dowlada maanta, go’aan u ma leh haynta sharciga, dajista sharciga, iyo fulinta sharciga. Dowlada maanta, ma’aha mid xadidaad u leh shaqooyinka iyo shaqa bixiyaasha dalka. Waxeey fursada ka qaaday muwaadin walbo oo shacab ah. Shaqsi walbo wuxuu u shaqo raadsadaa ugaaska ama hoogaamiyaha qabiilkiisa. Hadeey noqoto shaqa dowladeed ama mid xoogsi.

Dhamaad

Xukuumadi kacaanka waxeey lahayd hab maamuus dowladnimo, marka eey timaado u adeega bulshada. Dowlada maanta iyo Ku dhaqanka 4.5 waxeey keentay in hab maamuus dowladnimo la baabi’yo oo bulshadii loo jiheeyo wado qabiil. Waana mid aasaas u ah inaan aragno xiliyada doorashada wasiiro ama xildhibaano ku andacoonayo in beeshooda/qabiilkooda la qiyaamay. (Waxaa halkaa ka baxay u shaqaynta shacabka) Nidaamka maanta jira ma’aha mid u dhaw kii kacaanka, mana aha mid kaliya loo sameeyey dan siyaasad balse ah mid sidoo kale ku xididaysan falsafad adag. Nidaamka maanta jira ma’aha mid wax looga baran karo midkii hore. Sidaas darteed, Ku sii dhaqankiisa wuxuu sii habaabinayaa dowladnimada iyo bulshada Soomaaliyeed.

 

Leave a Comment